Hordhac
Gudniinka Hablaha, oo inta badan loo yaqaan gudniinka dumarka, waa dhaqan soo jireen ah
oo dhaawac u geysta xubinta taranka ee hablaha, meeshana ka saara qayb ama dhammaan xubinta
taranka ee inanta. Somaliland waxa ay ka mid tahay dalalka ugu badan ee laga sameeyo Gudniinka
Hablaha, iyada oo 98% lagu sameeyey Hablaha. Guddo dhaqameedyo ayaa ku shaqaysta shaqadan,
waxa ayna ku sameeyaan hablaha iyaga oo aan adeegsanayn wax caawimo ah sida suuxiso ay
xubinta ay qalayso xanuunka ka disho iyada oo isticmaalaysa makiinad ama minddi.
Badanaa hablaha waxa lagu sameeyaa gudniinka marka ay da’doodu u dhaxayso 4 -12 jir.
In kasta oo mar-marka qaar lagu sameeyo hablaha marka ay dhashaan ama ay aad u
yaryar yihiin; taasina ay saameyn ku yeelan karto.
Gudniinka Hablahu waa mid khatar badan, kaas oo keena xanuun aad u daran, dhiig bax,
caabuq iyo in marmarka qaar inanta yar ay ku dhacdo miyir-doorsoon. Gudniinka Habluhu
wuxuu keenaa xannuunno joogta ah, sida murugo iyo xaalad nafsiyan ah, wuxuna sababa
dhiig bax aad u badan siiba wakhtiga dhalmada ka dib, waxaanu ku keena haweenka in
foosha ay ku dheeraato.
In kasta oo uu yahay xanuun haddana Gudniinka Habluhu waxa uu qayb ka yahay
dhaqanka Soomaalida, kaas oo ujeeddada loo saameyaa ay tahay inuu u diyaariyo hablaha
guur iyo dhawrsanaan. Wacyi-gelinta ururada bulshada rayidka ah, dhisidda awoodaha iyo
aqoonta bulshada, culimo-aw-diinka iyo is-xog-waydaarsiga, ayaa noqday mid ka caawiyay
bulshadu intooda badan inay bartaan ama aqoonsadaaan saamaynta taban ee Gudniinka
Habluhu uu ku leeyahay cafimaadkooda iyo isku dayga lagu dabar jaraayo dhaqankan
mudada badan soo jiray. Tobannaankii sanno ee ugu dembeeyay waxaa kor u kacaya
wacyiga iyo waxbarashadda bulshadu u yeelanayso Gudniinka Hablaha.
Saamaynta uu leeyahay Gudniinka Habluhu.
Gudniinka Habluhu wuxu khatar ku yahay caafimaadka haweenka Soomaaliyeed, waxaanu
ku keenaa dhiigbax, caabuq, iyo inay inantu miyir-doorsoonto ama argagax ku dhaco,
badanaa waxa la isticmaala makiinado, ama middiyo kala duwan marka la samaynaayo
Gudniinka iyada oo aan la suuxinin inanta yar. Tani waxay kor u qaadi kartaa khatarta
keeni karta in ay yimaadaan dhibaatooyin kala duwan.
Gudniinka Habluhu wuxuu sababi karaa dhimasho, wuxuuna keenaa saamayn taban oo
caafimaad darro ah, xanuun badan taas oo noqota mid muddo dheer socon karta. haweenka
lagu saameyey Gudniinka Hablaha waxaa laga yaabaa inay la kulmaan xanuun joogto ah,
caabuqyo soo noqnoqda, iyo murugo nafsi ah. Waxa kale oo ay yeelan karaan dhibaatooyin
ka soo gaadha dhalmada sida foosha oo dheerta, dhiig bax yimaada dhalmada ka dib, taas
oo sababi karta in qaar kood u dhintaan dhiig-baxaas; gaar ahaan dumarka ku nool
meelaha miyiga ah.
Gudniinka Habluhu, waxa kale oo uu saameeyaa caafimaadka habdhiska taranka ee
haweenka, dareenka jinsiga ee dumarnimo, sidoo kale wuxu sababi karaa in uu hoos u
dhaco dareenka haweenka; taas oo saamayn taban ku yeelan karta xidhiidhka lamaanaha.
Qoysas badan ayaa u sameeya in gudniinka habluhu yahay mid loo bahan yahay si inanta
loogu diyaariyo guur iyo inay noqoto mid dhawrsoon. Dhaqankani waa mid ka baxsan habdhaqanka wanaagsen ee bulshadda, waayo waxa uu dhaawac u geysanayaa hablaha;
Haweenku waa inay awood u yeeshan sidii u go’aamin lahayeen caafimaadka iyo fayoqabka jidhka habalahahooda maadaama oo jar-jaridda xubinta taranka ee inantu aanu
ahayn waajib diinteena Islaamku ina farayso oo ah mid aynu Illaahay ugu dhawaanayno
ama ajar kaga heleyno.
Doorka Ururada Bulshada Rayidka ah ee la Dagaalanka Gudniinka Hablaha.
La dagaalka iyo joojinta Gudniinka Hablaha waxaa door muhiim ah ka qaata Ururada
Bulshada Rayidka ah, Waxay safka hore kaga jiraan wacyigelinta iyo ciribtirka Gudniinka
Hablaha. Madaama Gudniinka habluhu uu wax u dhimayo caafimaadka gabdhaha iyo
haweenka Somaliland. Ururada Bulshada Rayidka ah ee ka hawl-gala heer qaran, gobol, iyo
degmo ba; waxay kor u qaadaan wacyiga bulshada, iyaga oo caawinaya dumarka la
dhibaataysan Gudniinka Hablaha. Sida oo kale, waxa ay bulshada bareen aqoon ku saabsan
khataraha ka dhalan kara Gudiniinka Hablaha iyo siyaabaha loo yareyn karo si
goordhawna loo cidhibtiro Idamka Illaahay.
Ururada Bulshada Rayidka ahi waxay kala shaqeeyaan dawladda sidii loo cidhibtiri lahaa
Gudniinka Hablaha . Waxay kor u qaadaan oo ay ka shaqeeyaan meelmarinta iyo hirgelinta
sharciyadda.
Ururada Bulashada Rayidka ahi, waxay kala taliyaan dawladda meelaha u baahan in laga
hagaajiyo. Ururada Bulshada Rayidka ah ee heer gobol, waxay baraan bulshada
khataraha uu leeyahay Gudniinka Habluhu, waxayna u doodaan sidii loo sameyn lahaa isbedello kala duwan. Waxay ku dhiirigeliyaan hogaamiyayaasha bulshada, odayaal
dhaqameedka, iyo culimada inay u doodaan sidii loo joojin lahaa gudniinka hablaha, loona
beddeli lahaa hab-dhaqankan taban ee bulshadda.
Ururada Bulshada Rayidka ah waxay caawiyaan qoysaska iyo haweenka uu saameeyay
Gudniinka Habluhu, waxay ka caawiyaan dumarka uu saameeyey gudniinka habluhu,
waxay u ololeeyaan sidii loo joojin lahaa Gudniinka Hablaha, waxay waxbaraan,
tababaraan, oo taageeraan qaxootiga, dadka soo laabtay, iyo dadka nugul. Waxay la
dagaalamaan Gudniinka Hablaha, waxay kor u qaadaan caafimaadka haweenka,
taageeraan dumarka uu ku dhacay gudniinku, waxayna siiyaan adeegyo daryeel.
Shaqadoodu waxay muhiim u tahay ka shaqaynta cidhibtirka Gudniinka Hablaha iyo
dhiirigelinta gabdhaha iyo haweenka ee ah inay sameeyaan doorashooyinka go’aamada la
xidhiidha caafimaadkooda.
Baaq ka yimid ururada bulshadda rayidka ah si loo joojiyo Gudniinka Hablaha.
Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland ayaa hormuud ka ah dagaalka lagu doonayo
in lagu cidhib tiro Gudniinka Hablaha, kaas oo ah caado soo jireen ah oo dhibaato u geysata
hablaha iyo haweenka Soomaalida. Si loo ilaaliyo sharafta jidheed ee haweenka loona
joojiyo ku-dhaqanka caado dhaqmeedkan, Ururada Bulshada Rayidka ahi waxay ku
boorinayaan dawladda Somaliland inay ansixiyaan oo ay fuliso siyaasadda ka-hortagga
Gudniinka Hablaha.
Haddaba, Ururada Bulshada rayidka ah waxa ay ku boorinayaan dawladda Somaliland sidii
ay u mamnuuci lahayd Gudniinka Hablaha iyada oo la fulinayo siyaasadda joojinta
Gudniinka Hablaha ee qabyo qoraalka ah. Istaraatiijiyadani waxay caddayn doontaa in
Gudniinka Habluhu uu yahay sharci-darro aanay u bannaanayn waalidka in ay gudaan
hablohooda. Waxay sidoo kale ka hortagi doontaa Gudniinka Hablaha iyada oo caawin
doonta dumarka uu ku dhacay gudniinku. Dowladda, bulshadda rayidka ah, culimo-awdiinka iyo oday dhaqameedyadu waa in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan joojinta Gudniinka
Hablaha. Joojinta Gudniinka Habluhu wuxuu u baahan yahay ballan-qaad dawladdeed,
dawladduna waa inay aqbashaa oo ay maalgelisaa kana shaqeeysa sidii siyaasadda kahortagga Gudniinka Hablaha loo ansixin lahaa.
Ururadda bulshadu waxay aqoonsan yihiin in joojinta Gudniinka Habluhu ah ay u baahan
tahay habab dhinacyo badan leh oo ay ku lug leeyihiin dowladda, bulshada rayidka ah,
culimo-aw-diinka, iyo oday dhaqameedka. Si kastaba ha ahaatee, dawladda ayaa door
muhiim ah ku leh joojinta Gudniinka Hablaha.
Waxa aan ugu baaqaynaa dowladdu inay muujiso sida ay uga go’an tahay joojinta
Gudniinka Hablaha , iyadoo la ansixinayo siyaasadda iyo sharci lagu xakameeyo sii
socoshada caadadan wax yeellada leh
DHAMAAD