VOSOMWO

Maqaalka-Saddex-Bilooka-ah-Ee-Joojinta-Gudniinka-Hablaha Ururada Xubnaha ka ah NAFIS Waxay u midaysan yihiin inay cidhib-tiraan Dhammaan Tacadiyada Jinsiga ku Salaysan ee uu ka mid yahay Gudniinka Hubluhu.

KAALINTA SHAQAALAHA CAAFIMAADKA IYO GUDDO DHAQAMEEDKA EE FULINTA GUDNIINKA HABLAHA: DARAASAAD LAGA SAMEEYAY SOOMAALILAND / NAFIS NETWORK

  1. HORDHAC

Sida ay tilmaantay WHO (2023), Gudniinka Hablaha (FGM) wuxuu ku lug leeyahay jarista ama saarista xubnaha taranka ee haweenka, iyada oo aan loo samaynahayn sabab caafimaad balse loo samaynayo sababo dhaqan iyo bulsho. Gudniinka Hablaha waxaa loo qaybiyey afar nooc. Noocyada I iyo II ayaa ka dhigan ku dhawaad 80% kiisaska caalamka, halka Nooca III (xidh­ xidhista xubinta taranka) uu yahay 15%, halka Nooca IV uu ka yahay 5% ga soo hadhay. Gudniinka Hablaha waa dhaqan waxyeello leh oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, wuxuuna dhaawac joogto ah ku yeeshaa caafimaadka haweenka la guday. Caalamka oo dhan, in ka badan 200 milyan oo haween iyo gabdho ah ayaa la guday, halka 68 milyan ay khatar ugu jiraan in la guddo sanadka 2030 (UNICEF, 2021).

Soomaaliland gudaheeda, Gudniinka Hablahu, weli waa mid aad u baahsan; 98% haweenka da’da u dhaxaysa 15-49 ayaa la guday, 53% Hooyooyinkuna waxay aarninsan yihiin in dhaqanka la sii wado (UNFPA, 2021).

  1. DHIBAATADA GUDNIINKA HABLAHA

Waxaajira caqabado muhiim ah oo bulshada Somaliland ka dhex muuqda gaar ahaan ku saabsan samaynta goobaha caafimaadka ee Gudniinka Hablaha (medicalization), oo aad ugu badan magaalooyinka. 33% Gudniinka Hablaha waxaa sameeya shaqaale caafimaad, taas oo UNFPA iyo UNICEF ku tilmaameen caqabad weyn oo hortaagan cidhibtirka Gudniinka Hablaha ee caalamka. Daraasaddan cilrniyeed ee NAFIS Network (2025) waxay diiradda saaraysaa kaalinta shaqaalaha caafimaadka iyo Guddo dhaqameedka ee ku lugta leh fulinta Gudniinka Hablaha. Bishii September 18, 2024, Somaliland waxay ansixisay siyaasad qaran oo ka dhan ah Gudniinka Hablaha, oo ku saleysan in la cidhib-tiro dhamaan noocyada Gudniinka Hablaha (Zero tolerance). Taariikhiyan, Guddo dhaqameedka ayaa door weyn ku lahaa gudniinka, balse wacyigelin bulsho iyo olole Ururada bulashadu ay hoggaarninayeen ayaa yaraysay doorkooda, si aan toos ahaynna ugu

wareejiyey masuuliyadda gudista shaqaalaha caafimaadka. Inkasta oo wacyiga bulshada ee waxyeellada Gudniinka Hablaha uu soo hagaagayo, haddana ku lug lahaanshaha goobaha caafimaadka ayaa weli khatar weyn ku ah dadaallada cidhibtirka.

  1. UJEEDOOYINKA DARAASAADKA

Daraasadann waxay ujeedadeedu tahay in lagu baadho isbeddelka ku yimid dhaqanka Gudniinka Hablaha ee Somaliland, iyadoo si gaar ah loo eegayo kaalinta shaqaalaha caafimaadka iyo Guddo dhaqameedka, iyadoo si dhow loo xoojinayo isbeddelka sii kordhaya ee ku wajahan samaynta goobaha caafrmaadka ee Gudniinka Hablaha (FGM medicalization). Daraasaddu waxay ka dhacday Hargeysa iyo Burco, oo ah labada magaalo ee ugu dadka badan Somaliland.

  1. HABRAACA CILMI-BAARISTA

Daraasaddan waxaa loo adeegsaday hab isku-dhafan (mixed-methods), oo isku daray su’aalo tiro­ koob ah iyo hab sharaxaad ah, iyadoo lagu daray dood- wadareed (FGD) iyo wareysiyo laga qabtay dad muhiim ah (KII). Waxaa lagu baadhay kaalinta Guddo dhaqameedka, shaqaalaha caafimaadka, iyo sida bulshadu u aragto Gudniinka Hablaha.

Tirada iyo qaadashada Muunadda (sample size): Waxaa la doortay 74 ka qaybgalayaal laga soo xulay 90 qof iyadoo la adeegsanayo Muunad Ujeedo leh (Purposive Sampling), iyadoo diiradda la saarayo hooyooyinka, kuwaas oo go’aanka ugu weyn ka qaata Gudniinka Hablaha. Xogta waxaa lagu ururiyey 58 wareysi (KIT) iyo 2 dood- wadareed oo ay ka qayb galeen 16 qof, taasoo bixisay xog tiro iyo mid qoto-dheerba.

  1. NATIIJOYINKA DARAASAADKA

Natiijooyinka daraasadda waxay muujinayaan hoos u dhac weyn oo ku yimid ku-tiirsanaanta Guddo dhaqameedka, iyadoo 95% ka qaybgalayaashu sheegeen in xiriirka lala leeyahay uu hoos u dhacay. Si kastaba ha ahaatee, tani waxaa weheliya korodh walaac leh oo ku yimid samaynta goobaha caafimaadka ee Gudniinka Hablaha (FGM medicalization), iyadoo 75% ka qaybgalayaashu sheegeen inay doorbidaan in shaqaale caafimaad sameeyo. Faham khaldan ayaa aad u baahsan, iyadoo 96% ka mid ah dadka la wareystay aaminsan yihiin in Gudniinka Hablaha caafimaad ahaan loo sameeyo ay tahay mid ammaan ah.

Xogtu waxay kaloo muujisay xidhiidh toos ah oo ka dhexeeya heerka waxbarasho ee hooyada iyo suurtogalnimada in gabadheeda la gudohooyooyinka waxbartay waxay aad uga yartahay inay carruurtooda gudaan marka la barbar dhigo hooyooyinka aan waxbaran.

Daraasadda waxa sidoo kale u cadaaday lsbeddel jiilal ah, iyadoo dhalinyarada ay muujiyeen diidmo badan iyo wacyi ka sarreeya ka dadka waawayn eek u saabsan saameynta Gudniinka Hablaha. Sidoo kale, doodaha bulshada, ka qaybgalka warbaahinta, iyo ololeyaasha wacyigelinta ayaa bilaabay inay xakameeyaan caadooyinka soo jireenka ah, inkasta oo caqabado waaweyn weli ay jiraan.

Daraasadda waxay ku soo gabagabeysay in inkastoo horumar la arkayo, caadeysiga samaynta Gudniinka Hablaha ee goobaha caafimaadku uu yahay khatar culus oo hortaagan dadaallada loogu jiro cidhibtirkiisa. Siyaasado lagu beegsanayo, wacyigelin bulsho, xeerar caafirnaad ayaa si degdeg ah loogu baahan yahay si loo joojiyo samaynta goobaha caafimaadka ee Gudniinka Hablaha (FGM medicalization), loona hubiyo in gebi ahaanba laga takhaluso Somaliland.

NAFIS NETWORK, May 2025

Waxa Diyaariyay: Ahmed Ibrahim (NAFIS MEAL Officer)