VOSOMWO

Ururka VOSOMWO ayaa 25 haween iyo hablo ah oo ka soo jeeda beelaha dhaqanku naafeeyey u qabtay tababar lagu baranayey dimuqradiyada, hogaankaa iyo ka qaybgalka siyaasada

Ururka codka haweenka beelaha dhaqanku naafeeyey ee VOSOMWO oo kaashanaya hayda SIHA NETWORK aya waxa ay tababar soconayey laba cisho ugu qabteen 25 haween iyo hablo ah oo ka soo jeeda beelaha la garbiyo magalada Hargeisa.
Tababarkan aya waxa u iba fur u yahay tababaro xidhiidha oo lagu qaban doono gobolada dalka laguna tababari doon 75 haween iyo hablo ah.
Waxana ka soo qayb galay oo kalmadooda furitanka ka yiri garabka haweenka xisbiga KULMIYE, gudomiye ku xigenka ururka hawenka her qaran ee NOW, xubin ka socota hayda SIHA NETWORK, madaxa xafiska qaramada midoobay u qabilsan SOMALILAND& Somalia iyo Wasarada cadalada jamuriyada Somaliland.
Haweenka iyo hablaha ka soo jeda belaha dhaqanku naafeyey ayaa lagu tababari doon dimuqradiyada hogaanka iyo ka qaybgalka siyaasada dalka iyada oo ujeedaadu tahay in la helo hablo leh hansiyaasaded oo ka badheedha ka qaybgalka siyaada oo ka soo jeda belaha dhaqanku naafeyey.