VOSOMWO

Ururka Waddaniga ah ee codka haweenka VOSOMWO oo kashanaaya Dalada SIHA Network oo fadhigeedu yahay Dalka Uganda, ayaa magaalada Berber ku qabtay kulan balaadhan oo lagaga hadlayey caqabadaha soo wajaha haweenka hanka siyaasadeed leh iyo tacadiyada ay markaasi la kulmaan dhinaca dhaqanka.

 

Ururka Waddaniga ah ee codka haweenka VOSOMWO oo kashanaaya Dalada SIHA Network oo fadhigeedu yahay Dalka Uganda, ayaa magaalada Berber ku qabtay kulan balaadhan oo lagaga hadlayey caqabadaha soo wajaha haweenka hanka siyaasadeed leh iyo tacadiyada ay markaasi la kulmaan dhinaca dhaqanka.

Kulankan oo ka dhacay Berbera Beach ayaa waxa ugu horayn halkaasi ka hadashay Agaasimmaha guud ee ururkaasi Hibaaq Axmed , taas oo ka warantay kaalinta ururkoodani ugu jiro kor u qaadista haweenka hanka siyaasadeed leh.

Ururkan codka haweenka ee VOSOMWO waxa la aasaasay 2004-tii, ilaa hada waxa uu ururkani uu ka shaqanayaa wacyigalinta, horumarinta iyo u raadinta xuquuqda ay leeyihiin dadka uu dhaqanku naafeeyey Ee ku nool dhamaan Somaliland oo dhan.

Haday nooto dhinaca shaqaalaysiinta, waxbarashada iyo isdhexgalka bulshada oo aanu aad iyo aad uga shaqaynay urur ahaan.

Dhinaca waxbarashada waxa jira arday uu ururuku ka caawiyey Jaamacadaha oo ka soo jeeda beelahan uu dhaqanku naafeeyey, shaqalaaysiinta oo kale aadbuu uga shaqeeyey,” ayay tidhi Marwo Hibaaq, iyadoo ujeedadii kulankaasi ka hadlaysana waxa ay tidhi “Ujeedada kulankeenan maantu waxa uu daaran yahay inaynu isla eegno caqabadaha hortaagan dumarka ka soo jeeda beelaha dhaqanku naafeeyey inay ka muuqdaan siyaasada Somaliland iyo horumarkeedaba sida aynu ognahay doorashadii Barlaaanka iyo Deeaanka ma jirto gabadh ka muuqata oo ka soo jeeda beelahan oo ka tartantay’’.

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay aqoonyahano, haween iyo marti kale oo si iskum id ah uga hadlay dhibaatada haweenka ka haysata ka qaybgalka siyaasada dalka, iyo sida ay uga gudbi karaan.

Xoghayaha gobolka saaxil mudan Nuux oo ka mid ah dadkii halkaasi ka hadlay ayaa yidhi ’’Mawduucan maanta laga hadlayaa waa mawduu in badan soo jiray, talaabooyin badana in laga qaado aanu soo jeedinay oo aan u baahnayn hadal badan.

Marka laga qadlay ka qaybgalka siyaasada, haweenka Somaliland oo dhan ayaa lagaga tiro badan yahay, maaha hablaha la haybsooco oo kaliya, waayo nidaamka Somailand waxa jira (deep state) wax doorta, iyagaana saameeya dadka la dooranayo ee safafka hore ee siyaasada soo galaya.

Sidoo kale waxa iyaduna halkaasi ka hadashay guddoomiyaha garabka haweenka ee gobolka saaxil ee xisbiga Waddani marwo Saynab Cismaan oo kulankaas hadal ka jeedisay ayaa dumarka ka soo jeeda beelaha dhaqanku naafeeyey ku boorisay inay isku duubnaadaan, iyadoo tilmaantay isku duubnidooda inay ku gaadhi karaan wax kasta oo ay hiigsanayaan

Suldaan Maxamed oo ka mid ah Madax dhaqameedka reer Somaliland gaar ahaan Salaadiinta gobolka saaxil oo isaguna hadal waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Marka hore Illaahay ayaa mahad leh, mar labaadka waxaan u mahadcelinayaa ururka codka haweenka VOSOMWO, Suldaan Maxamed ayaa sheegay in Xukuumaddihii kala dambeeyay ee soo maray Somaliland ay mid walba door wanaagsan ku lahaayeen beel ahaan, isla markaana ay meelo wanaagsan kaga jireen, balse waxa uu xusay inay jireen caqabado dhinacyo badan leh oo ilaa xilligaa soo jiitamayay,