VOSOMWO

Media

Aqooniswaydaarsi Ku Saabsan Kor U Qaadida Wacyiga Siyaasada iyo Horumarinta Beelaha La dhaqanku naa Oo Borama Lagu Qabtay

 

Aqoonisweydaarsi ku saabsan sidii kor loogu qaadi wacyiga siyaasadda iyo horumarinta beelaha la haybsooco ayaa Boorama looga furay xubno ka mid ah beelahaasi ee degaanka Boorama.
Aqoonisweydaarsigan oo ay soo qabanqaabiyey ururka lagu magacaabo Codka haweenka la haybsooco ee Soomaaliland ee VOSOMWO ,ayaa waxa kasoo qaybgalay masuulyiinta Maamulka gobolka awdal ,hogaamiye dhaqameedyo iyo marti sharaf kale .
Guddoomiyaha ururka codka haweenka la haybsooco ee Soomaaliland marwo Hibaaq Ahmed oo furtaankii aqoonisweydaarsigan ka hadashay ayaa sheegtay in barnaamijkani yahay mid laga qabanqaabiyey gobolada kale ee dalka idsla markaana la doonayo sidii haweenka iyo beelaha la haybsooco wacyigooda dhinaca siyaasadda ,waxbarashada ,iyo danaha bulshadaasi kor loogusoo qaadi lahaa si ay ula jaanqaadaan horumarinta bulshada Soomaaliland .
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegtay in barnaamijkan ama aqooniweydaarsiyadan loo qabtay ama loo qabto dadka la dhaqanku naafeyay ee Soomaaliland ay durba wax badan ka tareen horumarinta beelahaasi ,iyadoo dhinaca kalena ku boorrisay xubnaha ka qaybgalay inay aqoonta ay halkan ka helaan u gudbiyaan inta an fursadda u helin ,qaataanna kaadhadhka codbixinta iyo kuwa aqoonsiga muwaadinkaba bulshada reer soomaalilandna wax la qayabsadaan .
Suldaan Ibraahim Dacar Yuusuf ,kana mid ah salaadinta gobolka awdal si gaar ahna u ah hogaamiye dhaqameedka beelaha la haybsooco ee gobolka ayaa isna munaasabadda ka sheegay sida uu ugu faraxsanyahay qabashada aqoonisweydaarsigan oo markii u horreysay xubno ka tirsan beeshu Boorama laga faaiidetstaan isagoo dhinaca kalena ka qaybgeleyaasha u sheegay inay muujiyaan midnimo ay kula tartami karaan beelaha kale ee dalka miisaanna ugu yeeshaan arrimaha siyaasadda dalka,golayaashana uga mid noqdaan.