VOSOMWO

Media

Ururka VOSOMWO oo Faahfaahiyey Faa’iidooyinka Laga Dhaxlay Xidhiidhka Saaxibtimo ee Somaliland iyo Taiwan

Ururka VOSOMWO oo Faahfaahiyey Faa’iidooyinka Laga Dhaxlay Xidhiidhka Saaxibtimo ee Somaliland iyo Taiwan… Dood Cilmiyeed uu ay si wada-jir ah usoo qaban-qaabiyeen ururka Codka Haweenka ee VOSOMWO iyo Taiwan, ayaa Lagu lafo-guray guulaha la taaban-karo ee Somaliland ka faaiiday Xidhiidhka Sannaad jirsaday ee Somaliland iyo Taiwan.

Kulankan uu soo qaban-qaabiyeen ururka u Dooda xuquuqda beelaha dhaqanku naafeeyey ururada u dooda xuquuqda aadamaha, ee Codka haweenka, Waxna ugu horayn ujeedada kulanka faahfaahiyey gudoomiyaha ururka Vosomwo Hibaaq Axmed Xasan, iyadoo arrimahaas ka hadlaysanaa waxa ay tidhi “Hordhaca kulankeenan hadii aan Idin faahfaahiyo, Ururka codka Haweenka dhaqanku naafeeyey ee VOSOMWO waxa uu 15-kii Sanno ee u dambeeyey ku hawlanaa, horumarinta bulshada dhaqanku naafeeyey, hadii ay noqoto, xaga waxbaraashada, caafimaadka iyo dhaqaalaha iyo weliba is-dhexgalka bulshada.

Sidoo kale waxa uu Ururka VOSOMWO sammeeya cilmi-baadhisyo kala duwan, waxana intaa badan qabsoomida arrimahaas naga garabsiiyey Suldaan Naasir Suldaan Cabdi iyo Haayadaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya xaquuqal insaanka. mudanayaal iyo marwooyin hadii aan usoo daadego, ujeedada ugu weyn ee u daaran yahay kulankeenani, waa inaynu tooshka ku ifino, waxyaabaha laga faaiiday Xidhiidhka saaxibtimo ee Somaliland iyo Taiwan, maxaa yeelay bulshada inteeda badani ma oggaa dhaxalka iyo faaiidada uu leeyahay iskaashiga dawladuhuu”.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaa ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo ka kala socday Ururada caalamiga ah iyo Asxaabta iyo weliba Xukumadda Somaliland, waxanay dhamaan uga mahadceliyeen ururka Waddaniga ah ee Vosomwo kaalinta uu kaga jiro horumarinta bulshada dhaqanku naafeeyey ee Beelaha Gabooye.

Waxa kale oo martidii kulankaasi si weyn usoo dhoweeyeen guulaha Laga dhaxlay xidhiidhka Saaxibtimo ee Somaliland iyo Taiwan.