VOSOMWO

Media

VOSOMWO iyo hayadda IRI oo Wacyigelin Balaadhan ka Bixiyay Hannaanka Codbixinta

Ururka Codka Haweenka ee VOSOMWO iyo hayadda IRI oo iskaashanya ayaa wacyigelin balaadhan oo ku saabsan Hannaanka Codbixinta ka sameeyay magaalada Hargaysa iyo Gabiley , iyago u qaybiyey dadweynaha fariimaha muhiimkau ah doorashada isku sidkan ee golaha wakiilada iyo deegaanka , 31 may,2021 waxa uu Bulshada Somaliland ee qaatay Kaadhka Codbixiyaasha ugu baaqaya inuu raaco hab-raacyada loo asteeyey inuu qaato Muwaadiniinta Codbixiyaasha ah.

Ururka Codka Haweenka ee VOSOMWO, waxa si weyn ugu Wacyigelinayaa dadweynaha Codbixiyaasha ah, in looga baahan yahay Feejignaanta faafka Coronavirus, iyadoo loo baahan yahay in laga taxadero, isla markaana la codeeyo.

Sidoo kale, waxa uu Ururka Codka Haweenka ee VOSOMWO ugu baaqayaa Codbixiyaasha in Muwaadin kasta oo haysta Kaadhka Codaynta uu hal mar xaq u leeyahay inuu Coodeeyo, waxa kaloo u Bulshada ku wanaaninayaa in la caawiyo dadka naafada ah ee doonaya inay Codka dhiibtaan.

Waxa kaloo uu ururku dadweynaha ugu baaqayaa inuu Codbixiyaashu hubiyaan in loo dhiibay labada waraaqood ee Codbixiyaha, sidoo kale, waa inuu qofka gacanta kusoo qaataa kaadhka Codaynta.